Fana: At a Speed of Life!

Wasaaradda nabada oo shaaca ka qaadday in tan iyo bishii Ginboot,2013 ay dalka ku laabteen muwaadiniin Itoobiyaan ah oo tiradoodu dhantahay 25,472

Addis Ababa,June 28, 2021 (Senee 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasaaradda nabada JDFI ayaa shaaca ka qaadday in tan iyo bishii Ginboot,2013 ay dalka ku laabteen muwaadiniin Itoobiyaan ah oo tiradoodu dhammayd 25,472.

Wasiiradda wasaaradda nabadda ,Marwo Mufariyaat Kaamil ayaa sheegtay in tan bishii Ginboot ,muwaadiniin Itoobiyaan ah oo ka kala yimid Siddeed dal ,ay dalkooda dib ugu laabteen.

Waxaana in muwaadiniintaas dalkooda dib ugu laaabtaan dedaal badan ku bixisay wasaaradda nabadda oo kaashanaysay qaar ka mid ah hay,addaha dowladda oo ay mid ahaayen wasaaradda arrimaha dibedda iyo hay,addo hoos yimaadda wasaaradda nabadda,wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada,iyo hay’addo kale oo isugu jiray kuwo dowli ah iyo kuwo aan dowli ahaynba.

Wasiir Mufiyaat waxa kale oo ay sheegtay in xalay ay dalka sucuudiga kasoo laabteen muwaadiniin tiradoodu dhantahay 3,691 ruux,halka shalayna dalka dib ugu laabteen muwaadiniin ay tiradodu tahay 2,257.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxa socday dedaallo uu dalkan Itoobiya uu muwaadiniintiisa dib uga soo celinayo qaar ka mid waddamada khaliijka, gaar ahaana waddanka Sucuudiga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.