Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynaha Deegaanka Oromada oo gaadhay magaalada Jig-jiga

Addis Ababa,Oct 07,2021 (Maskarem 27,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Deegaanka Oromada Mudane Shimalis Abdhisa iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo ayaa gaadhay nagaalada Jig-jiga ee caasimaada DDS.

Waxaana waftigaasi ku qaabbilay garoonka garonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal masuuliyiinta u sarraysa xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, madaxweyne-ku-xigeenka mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Inj. Maxammed Shaalle Isaaq, madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida oo ay wehelinayeen cuqaasha, odayaasha iyo suldaammada dhaqanka.

Labada masuul ayaa magaalada Jig-jiga u sii dhaafay dhinaca magaalada Jinacsani ee Deegaanka Oromiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.