Fana: At a Speed of Life!

Golaha Wasiirrada oo iclaamiyay in dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah

Addis Ababa,NOV 02,2021 (Diqimti 23,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha Wasiirada JDFI ayaa ku dhawaaqay in dalka oo dhan xaalad deg deg ah lagu soo rogay taas oo dhaqan galaysa maalinnimadan Talaadada ah ee Diqimti 23 ,2014 (2-da November 2021),waxaana uu goluhu kulankoodaasi kaga kaga dooday xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Shir-jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Cadaaladda JDFI Gedewon Temotiwos iyo Wasiirka Xafiiska warfaafinta Dowladda, Legese Tulu ayaa ay warbaahinta uga warbixiyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Xaaladda deg dega ah ayaa looga gol-leeyahay in shacabka lagaga badbaadiyo tacadiyada ay kooxda argagixisada ah ee TPLF ka gaysanayso meelo badan oo dalka kamid ah.

Golaha wakiillada Shacabka JDFI ayaa la filayaa in muddo 48 saac gudahood ah ay ku ansixiyaan Xaaladdan degdegga ah.

Waxaa xusid mudan in Ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu shalay madaxda sar-sare ee dowladda uu kala xaajooday xaaladda uu dalku marayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.