Fana: At a Speed of Life!

Wafti ballaadhan oo ay hogaaminayso madaxwayne Sahle-Work Zewde oo maanta gaadhay magaalada Samaara ee deegaanka Canfarta

Addis Ababa,Feb 09,2022 (Yekatit 02,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wafti ballaadhan oo ay hogaaminayso madaxwayne Sahle-Work Zewde ayaa maanta gaadhay magaalada Samaara ee deegaanka Canfarta.

Wafdiga ayaa waxa ku wehelianayay madaxweynaha, ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Marwo Aamina Maxamed iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo.

Madaxweynaha deegaanka Canfarta Cawl Arba iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah ayaa waftigan si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Suldaan Calimirah Xanfare ee magaalada samaara.

Waftigan ayaa u tegay deegaankaas si ay ugu kuudhgalaan khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ee ay kooxda TPLF ka gaysteen deegaanka Canfarta, waxayna qiimayn ku samayn doonaan xaalada bini’aadantinimo ee deegaanka ka jirta.

Madaxweyne Sahle-Work Zewde iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka dib markii ay gaadheen deegaanka canfarta waxa ay booqdeen dadkii ka badbaaday xasuuqii ugu dambeeyay ee ay kooxda argagixisada ah ee TPLF u gaysteen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ee ku dhaqan deegaankaas.

Waftigan ay hogaaminayso madaxwaynaha ayaa u kuudhgalay xaalada dadkii ka badbaaday weerarada ay kusoo qaaday kooxda TPLF oo ahaa dad aan waxba galabsan oo ku dhaqan deegaanka Canfarta sida carruurta, haweenka iyo qaybaha bulshada ee taagta daran.

Madaxweynaha iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa waxa ay sidoo kale booqdeen dad dhaawac ah oo hadda lagu dabiibayo cisbitaalka Dubti ee deegaanka Canfarta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.