Fana: At a Speed of Life!

132 Dirawal Oo Ciidanka Xoogga Gaarka Ah Ayaa Loofuray Tababar Kusahabsan Anshaxa Wadida Gaadiidka

Addis Ababa,Jan 28, 2021 (Dir 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Tabarkan oo ay si wada jira usoo agaasimeen xafiiska taliska sare ee ciidanka xooga gaarka ah,xafiiska jidadka iyo gaadiidka iyo
kuliyada farsamada iyo xirfadaha ee jigjiga poly,technic ayaa muhiimadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga siinlahaa wadayaasha gaadiidka ciidanka xooga gaarka ah anshaxa wadida gaadiidka,ilaalinta gaadiidka,hab-dhaqanka wadayaasha,waxkabadalka kusocodka xawaaraha iyo ku dhaqanka saraynta sharciga ee wadida gaadiidka magaalada iyo miyigaba.

Furitaankii tababarka ayaa Waxaa siwada jira uga hadlay agaasinka taliska sare ee ciidanka xooga gaarka ah Khadar Axmed Nuur,Wasiir kuxigeenka xafiiska gaadiidka Mudane Maxamed C/raxmaan iyo Xuseen gaydh mareeyaha kuliyada farsamada ee jig jiga polytechnic,waxayna masuuliyiintani Kula dar daarmeen inay si habsamile uqaataan tababarka ayna kafaaiidaystaan cashirada tababarka lagu qaadanayo.

Tababarkan oo socon doona mudo tobon cisho ah ayaa noqonaya tababarkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee abid loo qabto wadayaasha ciidanka xooga gaarka ah ee DDS,iyadoona tababarkani uu kusoo aadayo wakhti ciidanka gaarka ah lasiiyay gaadiid badan loona baahanyahay inay si-taxadarle uwadaan una ilaaliyaan hantidan ciidamadu leeyihiin.

SRTV RASMI PAGE

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.