Fana: At a Speed of Life!

165 ah muwaadiniin dalkan itoobiya u dhashay oo kasoo laabtay dalka lubnaan

Addis Ababa Aug 31, 2020 (Nehaase 25,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Muwaadiniin u dhashay dalkan Itoobiya oo tiradooda lagu qiyaasay 165 qof ayaa xalay dib ugu sooo laabtay dalka, sida ay bayaanka ku sheegtay qunsuliyadda Itoobiya ee Beyruut.

Nidaamkan dib-usoo-celinta ayaa ku yimid dedaallo iskaashi wada shaqeyneed oo dhex maray qunsuliyadda itoobiya ee Beyruut, ururada bulshada Itoobiya iyo ururrada kale ee samafalka.

dhanka kale, waxa waraaqihii safarka loo diyaarinayaa157 qof oo Itoobiyaan ah kuwaas oo ku jira taandhooyin ay dejiyeen ururka bulshada Itoobiya ee magaalada Beyruuut si dalka dib loogu soo celiyo, sida ay sheegtay qunsuliyaddu.

Qiyaastii 155 qof oo u dhashay dalkan Itoobiya ayaa sidoo kale la filayaa in tobaadkan ay ku noqdaan dalkooda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.