Fana: At a Speed of Life!

180 Falastiiniyiin ah oo ku dhaawacmay iskahor-imaadyadii dhexmaray Booliiska Israel iyo bannaan-baxayaashii falastiiniyiinta

Addis Ababa,May 10, 2021 (Ginbot 02,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ugu yaraan 180 Falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen iskahor-imaadyadii magaalada Qudus ku dhex maray booliiska Israel iyo dad falastiniin oo doonayay in ay ku cibaadaystaan Masjidka barakaysan ee Al-Aqsa, halka sidoo kale cisbitaallada la dhigay 80 kale, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Falastiiniyiintu.

Intooda badan waxay ku dhaawacmeen Masjidka Al-Aqsa, halkaas oo booliiska Israel ay ku ridayeen rasaas cinjr ah ah iyo bam gacmeedyo iyadoo Falastiiniyiintuna ay tuurayeen dhagxaan iyo dhalooyin.

Bisha Cas ee Falastiinta ayaa sheegtay in ugu yaraan 80 qof oo ku dhaawacmay iska hor imaadyadii ka dhacay afaafka Masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa ay u baahan yihiin in cisbitaal la dhigo. Mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladiisu ahayd mid aad u cuslus.

Muuqaalo fiidiyoow ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya booliska Israel oo bambo gacmeed iyo sunta dadka ka ilmaysiisa u isticmaalaya gudaha masjidka intii ay socdeen isku dhacyada dhexmaray Booliiska Israel iyo mudaharaadayaasha Falastiiniyiinta.

Israa’iil ayaa sannadkii 1967-kii qabsatay bariga Qudus, Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza. Markii dambena Israel waxay ku darsatay bariga Qudus, halkaasoo ay ku yaalliin goobaha barakaysan ee magaalada, waxayna u tixgelisaa magaalada Qudus oo dhan inay tahay caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintu ay iyana dhammaan saddexda aag u aqoonsayihiin dhul xoog looga haysto.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.