Fana: At a Speed of Life!

22 Magaalo oo katirsan Magaalooyinka Deegaanka Soomaalida oo Helay Adeega laydhka Sanad Miisaaniyadeedkii 2012kii

Addis Ababa,Feb 20, 2021 (Yekatit 13,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Anteeneh Geetaajaw Madaxa Waaxda Qorshaynta Shirkada Quwada korontada Itoobiya laanteeda Deegaanka Soomaalida oo SRTV Wax Kawaydiisay Qorshayaasha Laydh Galinta Deegaanka ayaa Sheegay in Sanadkii 2012kii ay Qorshaysnayd in adeega Lagaadhka Lagaadhsiiyo 25 magaalo iyo tuulooyin isugu jira taasi oo 22 Magaalo Lagu guulastay inay adeega laydhka helaan.

Sidoo kale Ajaala Adnaafu Madaxa maraynta Quwada laydhka ee Shirkadan ayaa Sheegay in Magalooyinka Daraartoole, Boqolmaayo iyo Higloolay ay Kamid yihiin 25 Magaalo oo Katirsan Dalka kuwaasi oo 6 bilood ku helidoona laydha Solarka ee Ilayska Qoraxda laga Dhaliyo Ee 24ka Saac.

Ugu Dambayn sanad Miisaaniyadeedkan 2013ka ayaa Qorshaysan in 22 Magaalo oo katirsan Deegaanka Laga hirgalinayo laydhka 24ka saac.
Wariye, Xasan Maxamed

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.