Fana: At a Speed of Life!

58 qof oo ku dhintay dab qabsaday Cisbitaal lagu dabiibo bukaannada cudurka COVID-19

Addis Ababa,Apr 25, 2021 (Miyasiya 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ugu yaraan 58 qof ayaa ku geeriyooday dab ka kacay qeybta daryeelka degdegga ah ee bukaanadda xanuunka COVID19 ee Isbitalka Ibn al-Khatib ee duleedka magaaladda Baghdad, sida ay walaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka iyo ammaanka dalka Iraq.

Dabkan ayaa ka kacay cidla ka dhalatay aalada lagu keydiyo oksijiinka, waxaana muuqallo laga soo duubay ay mujinayeen shaqaalaha dambdamiska oo ku dadaalayay inay damiyaan ololka Isbitaalkan, iyadoo bukaanada iyo ehelkooduba ka cararayeen dhismaha isbitaalka.

Waxaa sidoo kale dabkan ku dhaawacmay dhowr iyo toban qof oo kale oo ka tirsanaa bukaanadii xanuunka COVID19 ee lagu dabiibayay Isbitaalkaas.

Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay inay soo bad-baadiyeen 90 qof oo ka mid ah 120 bukaan iyo eheladooda, kuwas oo qeybta gargaarka deg-degta ah ku sugnaa.

Tirada kiisaska COVID-19 ayaa kor u dhaaftay 1 milyan oo dadka reer Ciraaq ah, iyada oo wasaaradda caafimaadka ay diiwaangelisay wadar ahaan 1,025,288 xaaladood oo cudurka ah iyo 15,217 oo dhimasho ah tan iyo markii ugu horreysay ee cudurkan laga helay dalka Ciraaq bishii Febraayo 2020.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay sameysay ku dhowaad 40,000 oo tijaabo maalin kasta dadlka dadkiisu ay gaarayaan 40-ka milyan.

Isbitaalada Ciraaq waxaa bur-buriyay tobanaan sano oo colaado iyo maalgashi liita ah, iyadoo ay gabaabsi yihiin daawooyinka iyo sariiraha isbitaalada.

Tirada dadka u geerigooday musiibdan dabka ayaa intaas kasii kordhi karta tirada ,madaama aan weli lasoo saarin tirada saxda dhimshada ee uu geystay dabku.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.