Fana: At a Speed of Life!

24 kii saac ee ugu dambeeyay dalkan Itoobiya ayaa diiwaangeliyay 141 kiis oo feyraska koroona ah.

Addis Ababa june 25,2020 (Senee 18,2012 T.I) (FBC/SOMALI)- 4,675  oo shaybaadh  lagu sameeyay 24 kii saacadood ee ugu dambeeyay waxa xanuunka saf-marka covid-19 laga helay 141 qof oo ka mid dadkaas la baadhay ,sida ay warbixintii u dambaysay ku soo saareen Wasaaradda Caafimaadka iyo mac-hadka fayo-dhawrka Caafimaadka ee dalkan Itoobiya.

Kiisaska guud ee feyraska ayaa hadda u boodday (gaadhay) 5,175 ,iyada oo dadka cusub ee maanta xanuunka laga helay ay da’doodu u dhaxayso,2 bilood ilaa 87 jir ,kuwaas oo 81 yihiin rag halka 60- ka kalena haween yihiin.

Dhammaan kiisaska la xaqiijiyay,waa muwaadiniin u dhalatay dalkan Itoobiya marka laga reebo 2 qof oo ajaanib ah

113 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waxa laga xaqiijiyay Magaalada Addis Ababa halka D.Oromada laga diwaangeliyay 15 kiis ,sidoo kale 6 qof ayaa laga xaqiijiyay D.herarida iyada D.Gambeela laga diwaangeliyay 3 qof,DDS ayaa isagana laga xaqiijiyay 2 kiis  ,halka min hal kiis laga helay feyraska magaalada diridhabe iyo D.Bishaanguul Gumuz.

dhanka kale ,waxa xanuunka kasoo caafimaaday 58 qof ,24 kii saacadood ee u dambeeyay kuwaas 44 ka mid ahi ay Addis Ababa ku dhaqan yihiin halka D.Oromada ay feyraska ka kasoo bogsadeen 8 ruux ,deegganada kale waxa kaso caafimaaday feyraska :DDS 3 qof, Shucuubta koonfureed 2 ruux iyo hal qof oo D.Tigray-ga ah,kuwaas tirada feyraska ka caafimaaday ka dhigay 1544.

Geesta kale ,waxa maanta xanuunka faafaha daran u geeriyooday 3 qof oo kale 24 kii saacadood ee la soo dhaafay
Tirada guud ee dhimashada feyraska ee dalkan Itoobiya ayaa hadda maraysa 81 ruux.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.