Fana: At a Speed of Life!

34 qof oo ku naf-waayay dooni kula qalibantay xeebta dalka Jabuuti

Addis Ababa,Apr 13, 2021 (Miyasiya 05,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ugu yaraan 34 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku qarqomeen xeebta Jabuuti, kadib markii doon ay kula qalibantay xeebtaasi , sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Doontan ay oo wadeen koox tahriibiyeyaal ahi ayaa sidday ku dhowaad 60 muhaajiriin ah ,waxaana ay kusoo jeedday dalka Jabuuti ,iyada oo dadka saarnaa doontu kasoo qaxeen colaadaha ka socda dalka Yemen, sida ay sheegtay IOM.Lama oga sababta ay doontu u qalibantay.

Hay’adda ayaa walaac ka  muujisay tobanaan kun oo dhalinyaro Afrikaan ah oo tahriibayaal ah oo safar halis badan kaga taga Geeska Afrika una socdaala waddamada Khaliijka si ay shaqo uga raadsadaan.

Waxa ay tidhi ‘Covid-19 wuxuu dad badan ku qasbay inay dib ugu laabtaan dalalkooda maxaa yeelay xuduudo badan ayaa loo xidhay cudurka dartiis.

IOM waxa ay sheegtay in kumanaan ay ku xayiranyihiin Yaman, qaar badana ay ku jiraan”xaalado halis ah” – laguna qasbay inay lacag siiyaan magafayaasha,si ay dalkooda ugu laabtaan.

Bishii la soo dhaafay, ugu yaraan 20 muhaajiriin ah ayaa ku dhintay Xeebta Jabuuti, ka dib markii dad laga daadiyay doon ay la socdeen 80 muhaajiriin ah.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.