Fana: At a Speed of Life!

50 gaadhi oo ahaa wajigii 2aad ee gawaadhi ay soo iibinaysay xukuumadda deegaanka Soomaalida oo 27 ka mid ahi soo gaadheen Deegaanka

Addis Ababa,July 22, 2021 (Hamle 15,2013 T.I (FBC/SOMALI)-150 gaadhi oo ahaa wajigii 2aad ee gawaadhi ay soo iibinaysay xukuumadda deegaanka Soomaalidu, ayaa 27 ka mid ahi soo gaadheen Deegaanka.

Gawaadhidan ayaa maanta lagu wareejiyay qeybo ka mid ah xafiisyada heer deegaan iyo dugsiyada hooyga waxbarashada ee Jig-jiga, Fiiq iyo Shaygoosh iyo dugsiga kale ee Jig-jiga Model School oo iyaga lagu wareejiyay basaska loo yaqaanno Hayruf oo loogu talo’galay adeegga waxbarashada in uu kor-u-qaado.

Mudane Maxammed yuusuf Rooble, wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha DDS ayaa gawaadhidani ku wareejiyey xafiisyada iyo dugsiyadii loogu talo’galay, isaga oo sheegay in ay muhiim mar-walba tahay in laga war-hayo bad-qabka gaawaadhidan, islamarkaasina masuuliyad gaar ah la iska saaro ilaalintooda, ujeeddadooduna waa in shaqooyinka loo hayo shacabka lagu xoojiyo.

Marar is-xig-xigey ayey dawladdu xafiisyada iyo hay’adaha amnigga ku wareejisay gawaadhi lagu xoojinayo shaqooyinka loo hayo bulshada. dhawaan unbayna ahayd markii ay xukuumaddu 150 gaadhi oo ahaa wajigii 1aad baabuurtaasi badankood ay ku wareejisay Ciidanka Xoogga Gaarka Ah ee DDS, illaa haddana waxaa jira gawaadhi kale oo la sugayo oo qeybta ugu badan isla ciidanka uun lagu wareejin doono si amniga shacabka loogu sugo.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.