Fana: At a Speed of Life!

Ururka xisbullah oo ku tookhay in ay dhulka soo dhigeen drone laga leeyahay Israa’iil

Addis Ababa Aug 23, 2020 (Nehaase 17,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Bayaan uu soo saaray ururka xisbullah, ayaa lagu sheegay in ay soo rideen diyaarad ah nooca  Drone-ka ah oo Israel laga leeyahay oo duuleysay hawada tuulo lagu magacaabo Ayta al-Shab, oo ku taal koonfurta  magaalada Nebatiye ee dalka Lubnaan duhurnimadii shalay.

Bayaanka, waxaa lagu sheegay in xubnaha ururka ay gaadheen burburkii diyaarada aan duuliyuhu wadin.

Dhanka kale,Weli wax war ahi kama soo bixin dhanka Israa’iil oo ku aadan arinta diyaarada aan duuliyuhu wadain ee ay ku tookheen in ay toogasho kusoo rideen xubnaha ururka xisbullah.

diyaaradaha aan duuliyuhu wadain iyo doomaha dagaalka  ee Israel ayaa had iyo jeer ku xadgudba xuduudaha Lubnaan. Massuuliyiinta Lubnaan ayaa ka cawda xadgudubyadaas loo geysto iyaga oo markasta u gudbiya Qaramada Midoobay.

Bayaan uu soo saaray Ra’iisAl wasaarihii talada iska casilay ee dalka Lubnaan Xasan Diyab waxa lagu sheegay in Israel xadgudubyo isdabajooga ay ka wadday dalkiisa ilaa sannadkii lasoo dhaafay ee 2019 iyo shantii bilood ee ugu horreysay ee sanadkan 2020.

Tirada xadgudubyada Israa’iil ee ku aadan madaxbanaanida Lubnaan ee ay ka geysteen xuduudaha lubnaan sannadkii  2019  ayaa guud ahaan lagu sheegay 2,290 xadgudub oo kala ah xadgudubo dhuleed ,hawo,mid badeed-ba sida hadalka loo dhigay.

xigasho:wakaalada wararka ee Anadolu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.