Fana: At a Speed of Life!

Armeeniya iyo Azerbayjaan oo ku dagaalamay aag ay ku muransanyihiin

Ababa Sep 27, 2020 (Maskerem 17,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Iska hor imaad ayaa ka dhex qarxay ciidamada waddamada Armeeniya iyo Azerbayjaan kaas oo ku aadan gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh, xilli hal diyaarad oo Helicopter oo uu leyahay dalka Azerbaijan la soo riday.

Raiisel wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa sheegay in Azerbaijan ay soo qaaday weerar cir iyo dhul ah.

Dhanka kale, Azerbaijan ayaa sheegtay inay ka jawaabeysay duqeyntii ka dhacday guud ahaan jiida hore, oo dad rayid lagu laayay qaar kale lagu dhaawacay.

Colaadda muddada dheer socotey ayaa mar kale soo cusboonaatay bilihii la soo dhaafay.

Xiisadaha ayaa markii ugu dambeysay soo laba kaclaysay sanadkii 2016, iyaga oo xilligaas labada dal dagaal afar maalmood qaatay foodda isku daray.

XIGASHO:BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.