Fana: At a Speed of Life!

Af-hayeen Dina Mufti oo cambaareeyay sheegashada Suudaan ee deegaanka Benshangul Gumuz

Addis Ababa,May 04, 2021 (Miyasiya 26,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay , Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadd JDFI, Danjire Dina Mufti ayuu ku  cambaareeyay sheegashada Suudaan ee ku aaddan deegaanka Benshangul Gumuz.

Danjire Dina Mufti ayaa warbixin kooban ka siisay warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah dhacdoooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkan Itoobiya.

Danjire Dina oo warbaahinta uga warbixinayay ismaandhaafyada ka dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan  ayaa carrabka ku dhuftay in Suudaan ay dhowaan soo saarayso bayaanno muran dhalinaya oo ku saabsan biyo -xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD)

”Xadgudubka ay ku sameysay dhulka Itoobiya, ka sokow Suudaan waxay ku howlan tahay sifo sharci darro ah oo ay ku sheeganeyso Benshangul Gumuz, oo ah deegaanka laga dhisayo biyo-xidhenka inuu ka mid yahay dhulkeeda”.

Af-hayeenku wuxuu caddeeyay mawqifkii Itoobiya ee ku aadanaa muhiimada kulanka sadex geesoodka ah ee Biyo-xidheenka uu yahay mid aan ka warwareeg lahayn.

Dhanka kale,Xafiiska Af-hayenka ayaa safiirrada u jooga Itoobiya wadamada Aasiya warbixin ka siiyay muranka xuduuda Itoobiya iyo Suudaan, wadahadalada saddex-geesoodka ah ee biyo-xidheenka iyo dib udejinta iyo dedaallada samafalka ee deegaanka Tigray.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.