Fana: At a Speed of Life!

Af-hayeen Dina Mufti oo sheegay in shirmadaxeedka hoggaamiyayaasha Afrika ku qabashadiisa magaaladan Addis Ababa uu dhabarjab ku yahay fikradii cadowga ee odhanaysay Itoobiya Nabadgelyo kama jirto

Addis Ababa,Jan 20,2022 (Dir 12,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, Danjire Dina Mufti oo qabtay Shirkiisii jaraa’id ee toddobaadlaha ahaa ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in shirmadaxeedka midowga Afrika ee 35aad ee toddobaadka soo socda lagu qaban doono magaaladan Addis Ababa uu minjo xaabinayo fikradii cadowga ee odhanaysay ”Itoobiya Nabadgelyo kama jirto”.

Waxa kale oo Dina Mufti shirkiisan Jaraa’id ku sheegay in kooxaha cadowga ah, fikaradooda ku saabsan in aysan Itoobiya nabadi ka jirin ka sokow, ay ku dedaaleen sidii xarunta midowga Afrika looga rari lahaa magaaladan Addis Ababa iyo weliba sidii looga baajin lahaa shirmadaxeedka hoggaamiyayaasha Midowga Afrika ee lagu wado in dhawaan lagu qabto xarunta Midowga Afrika ee magaaladan Addis Ababa.

Hase ahaatee, iyda oo laga duulayo doorka Itooboya ay u leedahay qaaradda Afrika iyo hawihii dublamaasiyadeed ee kasoo ciyaartay Qaaraddan Afrika, ayaa waxa la go’aamiyay in shirmadaxeedka Midowga Afrika lagu qabto magaalada Addis Ababa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.