Fana: At a Speed of Life!

Af-hayeenkii hore ee aqalka federeeshanka oo isku soo dhiibtay ciidamada federaalka.

Addis Ababa DEC 02, 2020 (Hidar 23,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Khayriya Ibrahim oo kamid ahayd 9-ka xubnood ee Gudiga Fulinta ee kooxda TPLF, ayaa isu dhiibtay ciidamada federaalka.

Khayriya Ibrahim ayaa haysay mid ka mid ah xilalkii ugu muhiimsanaa ee dawlada federaalka iyada oo ahayd afhayeenkii hore ee Aqalka Golaha Federeeshanka ilaa ay iskeed iskaga casishay jagdaas oo ay ku biirtay kooxdii Mekelle.

Dowlada federaalka ayaa ugu baaqday xubnaha kale ee taliska TPLF inay kudaydaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.