Fana: At a Speed of Life!

Af-hayeen Dina Mufti oo arrimo badan kaga hadlay shirkiisii jaraa’id ee toddobaadlaha ahaa

Addis Ababa,July 29, 2021 (Hamle 22,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibedda,danjire.Dina Mufti ayaa warbixntiisii todobaadlaha ahayd ,waxa uu ku sheegay in 41,485 muwaadin oo Itoobiyaan ah muddo laba toddobaad ah lagaga soo daad-gureeyay dalka Sucuudiga iyo waddamo kale oo ku  yaalla bariga dhexe.

Waxa kale oo uu sheegay in muwaadiniintaas dalkooda hooyo dib loogu soo celiyay ,ka dib markii ay dowladda Itoobiya safaaradeeda ku taalla Sucuudiga ay ka dalbatay in dib loogu soo celiyo dalkooda.

Amb.Dina ,ayaa intaa ku daray, in haatan guddiga heer qaran ee loo aas-aasay taakulada muwaadiniinta kasoo laabanaya bariga dhexe ,uu ku hawlanyahay sidii  muwaadiniintaas Itoobiyaanka ah ay u heli lahaayeen eheladooda ka dib markay kusoo laabtaan dalkooda Itoobiya,islamarkaana uu guddigu ku taageero kaalmo dhaqaale iyo meelo ay ku negaadaan inta ay la kulmayaan eheladooda dalka jooga.

Dhanka kale ,mar uu af-hyeen Dina ka hadlayay xidhiidhka Itoobiya iyo DJibuuti,waxa uu sheegay in xidhiidh walaaltinimo iyo iskaashi wejiyo badan leh ay wadaagaan Itoobiya iyo Jabuuti.

Haseyeeshee,waxa uu sheegay in in dawladda Suudaan ay weli ku hawlan tahay tallaabooyin daandaansi ah oo ay ka mid tahay dhismo waddooyin ah , ay ka waddo dhulka ay sida sharci darrada ah u qabsatay horraantii sannadkan meelo ka mid ah dhulalka Itoobiya oo ku yaalla soohdimaha ay wadaagaan labada dal.

Waxaana uu intaa ku daray, in dowladda Itoobiya ay tallaabadaas daandaansiga ah uga digtay xukuumada Khartuum,sidii ay sida ugu dhakhaha badan uga joojin lahayd mashaariicda ay ka waddo dhulka ay qabsatay.

Dina Mufti waxa kale oo uu xusay ,in Itoobiya si taxadar leh uga warhayso dhaqdhaqaaqyada ciidamada Suudaaan ka wadaan dhulalka soohdimaha iyo arrimo kale oo la xidhiidha biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya iyo xaaladda ka taagan deegaanka Tigray,waxaana uu caddeeyay in ciidamada Itoobiya ay awood iyo u diyaargarow buuxa u haystaan,si ay uga jawaabaan isku day kasta oo duullaan oo uga iman kara wadammada cadowga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.