Fana: At a Speed of Life!

Af-hayeen Dina Mufti oo sheegay in go’aankii ay Afrikaanku ku gaadheen in Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika lagu qabto Addis Ababa uu guuldarro u xambaariyay xooggagii wax u dhimayay sumcadda Itoobiya

Addis Ababa,Jan 26,2022 (Dir 18,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Danjire Dina Mufti ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay FBC, waxa uu ku sheegay in go’aankii ay Afrikaanku ku gaadheen in Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika lagu qabto Addis Ababa uu guuldarro u xambaariyay xooggagii wax u dhimayay sumcadda Itoobiya.

Waxa uu sheegay in caqabado badan ay ka soo gudbeen sidii go’aan looga gaadhi lahaa in shir madaxeedka Midowga Afrika uu ka qabsoomo Addis Ababa.

Sida uu sheegay Afhayeenku, Shir-madaxeedka ayaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan oo ku saabsan qaaradda, oo ay ugu horreeyaan arrimaha nabadda iyo amniga iyo hirgelinta ajendaha 2063-ka.

Af-hayeenku wuxuu intaas ku raaciyay in Shir-madaxeedku uu qabsoomayo si fool-ka-fool ah, markii ugu horreysay dhowrkii sano ee la soo dhaafay maadaama uu dunida uu ka jiray cudurka faafa daran ee Coronavirus.

Danjire Dina ayaa tilmaamay in marka laga soo tago masiibada fayraska koroona, ay jireen gacmo qarsoonaa (faragelin) oo ay lahaayeen xoogaga qaar oo ka xumaaday howlgalkii sharci-fulinta ah ee laga fuliyay waqooyiga dalka, islamarkaana ka dambeeyay falkii lagu carqaladaynayay in shir-madaxeedku ka qabsoomo Addis Ababa.

Walaalaha Afrikaan ah oo si cad u fahmay  sida ay wax u socdaan ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin Itoobiyaanka maadaama ay go’aan ku gaadheen in shir-madaxeedka lagu qabto Addis Ababa, ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Dina. “Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay Itoobiya,” ayuu yidhi Af-hayeenka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.