Fana: At a Speed of Life!

Afhayeen Dina Mufti oo shirkiisii jaraa’id ee toddobaadlaha kaga hadlay arrimo badan

Addis Ababa,Mar 30, 2021 (Megabit 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JDFI, Danjire Dina Mufti oo saaka qabtay shirkiisii jara’id ee toddobaaadlaha ahaa wuxuu sheegay in Toddobaadkii lasoo dhaafay ay soo kordheen xiisaha waddamada reer galbeedku ay u qabaan xaqiiqooyinka ka jira Itoobiya.

Danjire Dina Mufti ayaa warbaahinta uga warramay arrimo la xidhiidha dhanka diblomaasiyada, xaalada deegaanka Tigray, wadaxaajoodka saddex-geesoodka ah ee biyo xidheenka weyn ee Itoobiya (GERD), howlaha diblomaasiyadeed ee ku salaysan dhaqaalaha iyo muwaadinimada.

Af-hayeenka ayaa shirkiisan jaraa’id ku sheegay in dunida reer galbeedku ay muujineyso xiisaha ay u qabaan in ay si dhab ah u fahamto xaqiiqooyinka ka jira dalka Itoobiya.

Wuxuu xusay in usbuucii la soo dhaafey bulshada galbeedka ay muujiyeen xiise ay u qabaan inay si qoto dheer u fahmaan xqiiqda dhabta ah ee ka jirta Itoobiya gaar ahaan xaalada deegaanka Tigray.

Wuxuu sheegay in ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Demeke Mekonnen uu la kulmay wafdi uu hogaaminayo ergeyga mareykanka u fadhiya suudaan iyo koonfurta sudan, Donald Buz waxayna u sharaxeen saamiga biyaha ee Itoobiya ay ku leedahay webiga Nile iyo muhiimada uu  biyoxidheenku ugu fadhiyo 60% ah dadweynaha Itoobiya oo mugdi ugu jira koronto la’aan.

Sida uu sheegay Afhayeen Dina  ,Ra’iisal wasaare kuxigeenka ayaa weftigii Maraykan ee dhawaan yimi dalka uga warbixiyay in biyoxidheenka weyn ee Itoobiya aanu wax dhibaato ah u horseedaynin waddamada uu maro webiga Niilku.

Danjire Dina oo mar uu ka hadlayay xaalada deegaanka Tigray, wuxuu sheegay in Itoobiya  ay u ogolaatay hay’addaha qaramada midoobay ee samafalka in si wada jir ah baadhitaan madaxbannaan loogu sameeyo tacadiyada la sheegay in ay ka dhaceen deegaankaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.