Fana: At a Speed of Life!

Afqanistaan iyo kooxda Taliban oo ay wada hadallo u furmeen

Ababa Sep 12, 2020 (Maskerem 2,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Wadahadaladii rasmiga ahaa ee ugu horeeyya ee u dhaxeeya dowladda Afqanistaan iyo kooxda Taliban ayaa maanta uga bilaabmay caasimada dalka Qadar ee Doxa.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Qatar Sheikh Maxammed bin Cabdulrahman Al Thani oo hadal ka jeediyay munaasibadda furitaanka gogosha wada haddallada ayaa sheegay in dhinacyada dagaallamaya ay tahay in hankoodu ka sarreeyo dhammaan noocyada kala qaybsanaanta … iyagoo ku heshiinaya heshiis aan saldhig u ahayn cid baa guuleysatay iyo cid baa laga guuleystay”.

xubnaha wadaxaajoodka u matalaya dowlada Afghanistan ayaa ka kooban 21 xubnood oo hogaaminayo Masoom Stanekzai, oo ahaa madaxii hore ee sirdoonka.

Kooxda Daalibaan waxadhankooda hogaaminaya Mawlavi Abdul Hakim, oo ah madaxa cadaalada ee kooxda hubaysan isla markaana ah nin aad ugu dhaw hogaamiyaha kooxda Haibatullah Akhunzada.

Waxaa kale oo munaasibadda ka soo qeyb galay Abdullah Abdullah oo gudoomiyaha golaha sare ee dib u heshiisiinta dawlada Afghanistan, xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo iyo kuxigeenka hogaamiyaha Taliban Mullah Baradar.

Madaxa ergada, Dr Abdullah Abdullah, ayaa qoraal uu soo dhigay barta tweetar-ka waxaa uu ku sheegay inay doonayaan “nabad waarta oo sharaf ku dhisan”.

Mareykanka ayaa door muhiim ah ka ciyaaray wadahadaladan oo qeyb ka ahaa heshiis laba geesood ah oo bishii February ay Taliban la saxiixdeen.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku tilaamay kulanka maanta lagu wado in uu dhaco “mid taariikhi ah ”

Pompeo ayaa qudhiisa ku sugan magaalada Doxa si uu uga qeyb galo xafladda furitaanka wadahadalada labada dhinac.

Waa wadaxaajoodkii ugu horeeyay oo si toos ah u dhexmara kooxda Taliban iyo dowladda Afqanistaan.

Kooxda Taliban ayaa horey u diidi jirtay inay wadahadal la galaan dowladda Afqanistaan oo ay ku tilmaami jireen kuwa aan awood lahayn oo “daba dhilif u ah ” Mareykanka.

Labada dhinac ayaa waxay wadahadaladooda uga gol leeyihiin in la helo xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro colaadda muddada dheer ka socotay dalka Afqaanistaan oo bilaabatay xilligii soofiyeetka ay soo galeen sanaddii 1979.

Wadaxaajoodkan ayaa lagu waday inay bilaabmaan, bishii march, balse waxaa ku yimid dib u dhac ka dib markii uu muran ka dhashay iswaydaarsiga maxaabiista oo qeyb ka ahaa heshiiskii ay bishii February gaareen Mareykanka iyo Taliban.

Waxyaabaha horey ay ugu heshiiyeen Mareykanka iyo kooxda Taliban waxaa ka mid ahaa in Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxo dalka Afqaanistaan.

Wadahadaladan ayaa waxay caddeyn u yihiin sida kooxda Taliban ay isu badaleen tan iyo sanaddii 1990 oo dalkaasi ay gacan bir ah ku xukumayeen.

ALJAZEERA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.