Fana: At a Speed of Life!

Alexander lacazette, oo ugu dambayntii Go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa Arsenal

Addis Ababa, MAY 29, 2020 (FBC/somali)- Kooxda Inter Milan ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga  kooxda Arsenal iyo xulka qaranka faransiiska ee Alexandre Lacezette.

weeraryahanka Arsenal ayaan wax xiiso ah u qabin in uu la sii joogo Arsenal xagaagan.

Alexandre Lacezette oo 29 jir ah ayaan ku faraxsanayn qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay kaliya 9 gool 26 kulan oo uu saftay.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in xiddiga reer France lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda ku ciyaarta Emirates marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga.

Wargayska L’Equipe ayaa sheegaya haatan in ay Inter Milan dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa Alexandre Lacezette si ay xiddigan u keenaan Italy suuqa xagaaga.

Laakiin Alexandre Lacezette ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda Antonio Conte marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga xagaaga ,Isla wargayska ayaa sheegaya in hadii uu Alexandre Lacezette isaga tagayo Arsenal kaliya doonayo in uu ku biiro kooxda Atletico Madrid xagaaga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.