Fana: At a Speed of Life!

Algeria oo hawadeeda ka xidhatay Morroco

Addis Ababa,Sep 23,2021 (Maskarem 13,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Golaha amniga ee dalka Algeria ayaa Arbacadii go’aamiyay in hawada dalkeeda laga xiro dhammaan diyaaradaha rayidka iyo kuwa militariga ee waddanka Morocco, sida ay sheegtay madaxtooyada Algeria, wax ka yar bil kadib markii ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dalka ay deriska yihiin ee Morocco.

Bayaan ay soo saartay dowladda Algeria ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka yimid “daandaansiga sii socda iyo dhaqamada cadaawadda leh ee dhinaca Morocco”.

Xiritaanka hawada Algeria ayaa sidoo kale wuxuu saameynaya diyaarad kasta oo sidata numberka diiwaangelinta Morocco, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas, kaddib kulankii golaha Amniga Qaranka.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay inaysan jirin jawaab rasmi ah oo ka soo baxday dhinaca Morocco, waxaana Ilo ka tirsan diyaaradda Royal Air Maroc ay sheegeen in xiritaanka hawada u saameyn doono kaliya 15 duulimaad oo toddobaadle ah oo isku xira Morocco iyo Tunisia, Turkiga iyo Masar.

Ilo wareedyadan ayaa ku tilmaamay xiritaankan mid aan qiimo weyn lahayn, waxayna sheegeen in duullimaadyada uu saameynayo ay dib ugu soo laaban karaan hawada badda Mediterranean -ka.

Algeria ayaa dabayaaqadii bishii hore waxay go’aansatay inay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Morocco, iyadoo ku tilmaamtay “falal cadaawad leh” oo uga imaanayay Boqortooyadan, waxaana Algeria tixraacaysay hadalladii uu ergayga Morocco ee New York ka sheegay inay doorbidayaan madax-bannaanida gobolka Kabylie ee Algeria

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.