Fana: At a Speed of Life!

Aqoonyahanka deegaanka Soomaalida oo ka arrinsaday hannaanka loo waajahayo wadatashiga Qaran

Addis Ababa,Jan 15,2022 (Dir 07,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Aqoonyanka Deegaanka soomaalida ayaa waxa ay malmahan soo bandhigayeen doodo ku saabsan fursadaha uga badan ee Soomaalida ugu jira iyo sida ugu haboon ee looga faa-idaysan karo bayaanka wada tashiga qaranka.

Mustafe xaaji caddow oo kamid ah aqoonyanka soo bandhigay waxyaabaha ay tahay in miska wada-tashiga qaranka lalatago ayaa ku tilmaamay inaysan marnaba ka maqnaanin shirka wada tashiga qodobadan hoos ku xusan :

1- In ay muhiimtahay taariikhda ay soomaalidu leedahay soo bandhigideeda gaar ahaan taariikhda Halgamayaashii ay ugu horeeyaan Imaam Axmad Guray, Sayid Maxamed Cabdile Xasan iyo Halgamadii faraha badnaa ee lagu doonayay xuquuqda bulshada deegaanka soomaalida oo dhamaystiran.

2- In xooga lasaaro lana xoojiyo luuqada af-soomaaliga iyo dhaqanka soomaalida lagana shaqeeyo siday awood dhamaystiran ugu yeelan lahayd fagaarayaasha Qaran.

3 -In umada soomaalidu ay hesho sadbursi dhanka horumarka ah madaamoo tacadiyadii badnaa ee ka soo gaadhay nidamyadii kala duwana ee dalka ka soo talinayay ay dhibaatooyin badan oo dhan walba taabanaysa ku reebeen .

4- Aqoonyanka ayaa sidookale sheegay inay lagama marmaantahay in miiska lalatago sidii dastuurka wadanka si cad loogu qeexi lahaa sida looqaybsanayo khayraadka wadanka .

5- Si doo kale waa inaa miiska lageeyaa sidii loo xoojinlahaa nidaaamka faadraalaysimka qoomiga ah isla mar-ahaantaana loo hormarinlahaa .

Xigasho: Xafiiska Warfaafinta DDS

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.