Fana: At a Speed of Life!

Argagixisada TPLF oo burbur xoogan gaadhsiisay kaabayaashii bulshada ee magaalada Shewarobit

Addis Ababa,DEC 03,2021 (Hidar 24,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Dadka ku dhaqan magaalada Shewarobit ayaa FBC u sheegay in kooxda argagixisada ah ee TPLF ay si cad u cadaysay nacabka ay u hayso shacabka Itoobiya maadaama oo ay dambiyo fool xun ee ka gaysteen magaalada iyo nawaaxigeeda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogaga kooxda argagixisadu ay si badheedh ah u burburiyeen kaabayaashii bulshada, hantida gaarka loo lahaa iyo xarumahii caafimaadka ee magaalada.

Xoogaga kooxda TPLF waxa bililiqeysteen islamarkaana burburiyeen hantidii xarumaha dawladda waxayna sidoo kale gubeen hantidii ay qaadan kari waayeen. Dadka deegaanka ayaa sheegay in TPLF ay u geysatay khasaare nafeed iyo mid maalba oo aad u badan.

Sidoo kale, dadka dagan magaalada Debresina oo ay FBC xidhiidh la samaysay ayaa sheegay in kooxda argagixisada ah ee TPLF ay gebi ahaanb baabi’isay cisbitaalkii aasaasiga ahaa ee magaalada islamarkaana burburiyeen xarumahii caafimaadka iyo xarumaha kale oo badan.

Sidoo kale xoogaga kooxda dambiilayaasha  ah ayaa bililiqeeystay qalab caafimaad, dawooyin, islamarkaana dab qabadsiiyay agabyo caafimaad oo aad u badan oo ay ka  qaadan karin waayeen goobihii laga xoreeyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.