Fana: At a Speed of Life!

Argagixisada TPLF oo shacab badan ku barakicisay magaalada Berihalet ee deegaanka Canfarta

Addis Ababa,Aug 31,2021 (Nehase 25,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dad badan ayaa ku barokacay ka dib markii kooxda argagixisada ah ee TPLF ay weerar ku qaadeen magaalada Berhale ee deegaanka Canfarta iyagoo beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Go’doominta ay kula kacday kooxda argaggixisada ahi awgeed, kumanaan barakacayaal ah oo ku hoyday Dugsiga Hoose ee Shay Gube ee magaalada Berhaale ayaan helin wax gargaar bani’aadamnimo, sida ay mas’uuliyiinta deegaankaasi sheegeen.

Barakacayaasha magaalada ayaa ku tiirsanaa gargaar naf-badbaadin ah oo ay ka helaan bulshada ku dhaqan deegaankaas.

Dadkaasi soo barakacay ayaa ku baaqay in si degdeg ah gargaar bani’aadamnimo loola soo gaadho maadaama xaaladdu ka sii darayso, Sida uu ku soo warramayo weriyaha FBC ee magaaladaasi.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.