Fana: At a Speed of Life!

Askarigii xabbadaha ku dhuftay ninkii madowga ahaa oo magaciisa la shaaciyay

Addis Ababa Aug 27, 2020 (Nehaase21,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Xeer ilaaliyaha gobolka Wisconsins ayaa shaaciyay magaca askarigii dhabarka ka toogtay ninkii madowga ahaa Axaddii la soo dhaafay, taasi oo horseedday dibadbaxyo rabshada wata.

Josh Kaul ayaa weriyaasha u sheegay in Rusten Sheskey uu dhabarka kaga dhuftay toddobo xabadood isagoo sii furaya albaabka gaarigiiisa.

Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in saraakisha booliska ay mindi ka dhex-heleen gaariga Jacob balse aysan jirin hub kale oo laga helay gaariigiisa.

Toogashada ayaa sababtay mowjado dibadbaxyo rabshada wata ah maalmihii la soo dhaafay.

Talaadadii laba qof ayaa dhintay halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray kaddib markii ay mudaaharaadyada sii xoogeysteen.

Mr Blake ayaa haatan ku jira isbitaalka, waxaana lagu soo warramayaa inuusan haatan koomo ku jirin balse qareennadiisa ayaa ka cabsi qaba iney “mucjiso” un noqon doonto haddii uu dib cagihiisa ugu socdo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ciidamo heer federaal u diray magaalada Kenosha ee gobolka Wisconsin, ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in halkaasi ay ka socdaan dhac, rabshado iyo kala dambeyn la’aan.

Waaxda cadaaladda ayaa furtay baadhitaan heer federaal ah oo la xidhiidha toogashada. ilaa Laba boqol oo ka tirsan FBI ayaa loo diray magaalada Kenosha ee gobolka Wisconsin.

Toogashadan ayaa timid xilli ay Mareykanka ka taagan tahay xiisad xasaasi ah oo ka dhalatay cadhada laga muujiyay tacaddiga loo geysto Mareykanka-madow, kaddib dilkii dhowr bilood ka hor loo geystay George Floyd.

xigasho:BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.