Fana: At a Speed of Life!

Bangiga Dhaashin oo lacag isugu jirta deeq iyo deyn dhan 55 milyan oo Birr ku wareejiyay DDS

Addis Ababa,DEC 02,2021 (Hidar 23,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Bangiga Dhaashin ayaa xukuumadda DDS ku wareejiyay 5 milyan oo Birr oo ah deeq kor loogu qaadayo biyaha iyo 50 milyan oo loogu talo’galay adeegga daynta aan ribada lahayn iyo shaqo-abuurka.

Kulan uu hoggaaminayay madaxweyneha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiinta sare ee xukuumadda Deegaanka oo uu ugu horreeyo madaxweyne-ku-xigeenka DDS, mudane Ibraahim Cusmaan oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada ayaa lagula kala wareegay deegdan iyo deyntan.

Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in xukuumadda DDS 3-dii sano ee u dambaysay wax badan ka qabatay kor-u-qaadidda nolosha bulshada, iyada oo la adeegsanayo kheyraadka Deegaanka iyo miisaaniyadda dowladda.

“Deegaan ahaan istiraatiijiyad waxa aan u qaadannay si nolosha shacabkeenna aan kor ugu qaadno in aan sii xoojinno nabadda hadda aan haysanno”, madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar.

Guddoomiyaha guud ee bangiga Dhaashin, mudane Asafaw Alemu ayaa sheegay in ay ka qeyb-qaadanayaan adeegyada horumarinta bulshada ee DDS, iyada oo la isticmaalayo adeegga aan ribada lahayn ee Islaamiga ah.

Madaxweyne-ku-xigeenku iyo masuuliyiinta kale ee kulankan ka qeyb-galay ayaa bangiga uga mahad-celiyay adeegyada bulshada ee uu ka qeyb-qaadanayo.

Xigasho :SRTV Somali

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.