Fana: At a Speed of Life!

Bankiga adduunka oo deeq dhan $80 Milyan u ansixiyay dalkan itoobiya si loogu taageero waxsoosaarka dhanka beeraha

Ababa Sep 16, 2020 (Maskerem 6,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Xubnaha Gudiga Fulinta ee Bangiga Aduunka ayaa shalay ansixiyay deeq dhan 80 Milyan oo Doolarka maraykanka ah taas oo ka timid Ururka Caalamiga ah ee Horumarinta ,si dawlada Itoobiya looga taageero kobcinta waxsoosaarka beeraha iyo kor u qaadista tayada beeralayda yar yar.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray bangigu, maalgelinta dheeraadka ah ee Mashruuca Labaad ee Kobaca Beeraha (AGPII) ayaa sii kordhin doona awoodda dhaqaale ee waaxda beeraha ee dalkan Itoobiya.

AGPII waxa ay gacan ka geysatey kordhinta helitaanka adeegyada beeraha ku dhowaad 1.4 milyan oo beeraleyda yar yar ah (iyada oo 37%  ka mid ahi haween yihiin).

Waxa ay sidoo kale si wanaagsan kor ugu qaadday in ka badan 254 tiknoolajiyada beeraha cusub oo saameyn weyn ku leh wax soo saarka dalagga iyo sidoo kale wax ka taageeridda la qabsiga cimilada.

AGPII waxaa laga hirgaliyay 167 degmo oo ku kala yaalla deegaannada Axmaarada, Oromada, Shucuubta  Koonfureed, Tigray-ga, Benishangul-Gumuz, Gambella iyo Harari iyo sidoo kale ,maamulka magaalada Diridhabe. Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Bangigu, mashruucan waxaa si toos ah uga faa’iideysan doona 1.6 milyan oo beeraley yar-yar ah, kuwaasoo ku nool meelaha waxsoosaarka dalaga beeruhu ay aadka u wanaagsanyihiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.