Fana: At a Speed of Life!

Bannaan-bax Ballaadhan oo kadhacay magaalada Adisababa oo halku-dhiggiisu ahaa “Codadka Xorriyada iyo Madax-bannaanida”

Addis Ababa,May 30, 2021 (Ginbot 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Boqolaal kun oo dadweyne ah ayaa saaka bannaan-bax ballaadhan ku dhigay garoonka kubdadda cagta ee Adis Ababa Stadium, kaasoo halkudhiggiisu ahaa xooggaga dibadu waa inay joojiyaan faragalinta ay ku hayaan arrimaha gudaha ee Itoobiya.

Bannaan-baxayaasha ayaa cambaaraynayay faragelinta dalalka shisheeye ay ku hayaan arrimaha gudaha ee Itoobiya.

“Itoobiya uma baahna waardiye”, “Waxaan ka dalbaneynaa Mareykanka inuu dib uga fiirsado mowqifkiisa ku aadan Itoobiya”, “Uma jilba joogsan doonno cadaadis dibada ah”, “Waxaan dooranay hoggaamiyayaashayada” iyo “Waa biyo-xidheenkayagii” ayaa ka mid ahaa halku-dhigyada ay bannaan-baxayaashu shucuurtooda ku muujiyeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.