Fana: At a Speed of Life!

Barta TikTok oo si adag uga jawaabtay eedaymihii Trump

Addis Ababa Aug 2, 2020 (Hamle 26,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Barta Tiktok ayaa si adag uga jawaabtay hanjabaaddii madaxwyne Trump ee ahayd inuu TikTok ka mamnuucayo dalka Mareykanka isagoo ku sababeeyay walaac laga qabo in barta ay macluumaadka gaarka ah ee dadka Mareykan la wadaagto dawladda Shiinaha.

Maamulaha guud ee TikTok Vanessa Pappas ayaa sheegay in TikTok ay dalka Mareykanka ka haysato maalaayin taageero u ah oo isticmaalo bartooda.

Waxa uu sidoo kale maamulaha carrabka ku adkeeyay ineysan jirin waxa xidhiidh ah oo ka dhaxeeya iyaga iyo dawladda Shiinaha.

Madaxaweyne Donald Trump ayaa shalay ku dhawaaqay inuu Mareykanka ka mamnuucayo app-ka TikTok oo muuqaalada lagu baahiyo.

Waxa uu warbaahinta u sheegay inuu saxeexayo amar sare oo khadka looga saarayo barta App-kan oo uu isticmaalkiisu xawaare ku socdo ayaa waxaa isticmaala 80 malyan oo reer Mareykan ah, waxayna mamnuucidda TikTok saameyn weyn ku yeelan doontaa shirkadda ByteDance.

Tallaabadan lagu mamnuucayo TikTok ayaa imaneysa xilli uu sii adkaanayo xidhiidhka u dhaxeeya maamulka Trump iyo dawladda Shiinaha iyagoo isku haya qodobo dhowr ah oo ay ay ka mid yihiin khilaafka dhanka ganacsiga iyo dilaacidda fayraska koroona.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.