Fana: At a Speed of Life!

Booliiska federaalka oo dhoolastusyo kala duwan kusoo bandhigay magaalada Addis Ababa

Ababa Sep 30, 2020 (Maskerem 20,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Booliiska Federaalka ee JDFI ayaa maanta dhoolatus kusoo bandhigay magaalada Addis Ababa gaar ahaan fagaaraha Meskel Square kaas oo halkudhiggiisu ahaa mudnaanta koowaad waxa leh “Dadka iyo dalka.”

Intii ay socotay munaasibada dhoolatusku, Booliiska federaalkaa ayaa soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo muujinaya sida ay diyaarka ugu yihiin howlaha booliiska ee sugidda nabadda.

Munaasibadan waxa ka soo qeyb galay Taliyaha Booliiska Federaalka Jeneraal Enshaw Tassew, Ra’iisal wasaare Abiy Axmed, iyo masuuliyiin kale oo sarsare oo ay ka mid tahay Wasiirka Wasaaradda Nabadda JDFI Marwo Muffarixaat Kaamil.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.