Fana: At a Speed of Life!

Booliiska magaalada Addis Ababa oo gacanta ku dhigay hub farabadan

Addis Ababa,Dec 23, 2020 (Tehsas 14,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Komishanka  booliiska ee magaaladan Adis ababa ayaa shaaciyey in gacanta lagu dhigay hub farbadan ka dib 16 maalmood oo uu socday hawlgallo guri-guri ah iyo mid gaadiidba isugu jiray oo laga fuliyay magaaladan Addis Ababa.

Booliska ayaa sheegay in gacanta ay kusoo dhigeen 53 qoryaha Ak47 iyo qoryo kale, 129 bistoolado ah, 2,120 xabadood oo loogu talo galay noocyada hubka kala duwan ah iyo bambooyin gacmeed dhowr ah taas oo qayb ka ah baadhitaano hor leh oo barbac socday tallaabooyinka fulinta sarraynta sharciga ee dalka ka socda.

Agaasimaha xidhiidhka dadweynaha ee komishanka booliska Addis ababa Taliye Fasika Fanta ayaa shaaca ka qaaday in booliisku sidoo kale gacanta kusoo dhigeen dareys ah kuwa ciidamada milatariga iyo qalabka isgaadhsiinta raadiyaha

Sida ay shaaciyeen Komishanka Booliska ee Addis Ababa  bilihii laso dhaafay dad ayaa ku nafwaayay kuna ku dhaawacmay  sababo la xidhiidha qaraxyo ay sababeen bambo-gacmeedyo iyo weliba walxaha qarxa oo ka dhacay magaaladan Addis Ababa.

Booliiska Addis ababa ayaa ilaa hada gacanta ku dhigay 25 bam-gacmeed, 4 ah walxaha qarxa iyo 17 qori oo ay rideen shaqsiyaad aan haybtoda la qaoonsan oo weeraro ka fulinayay meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.