Fana: At a Speed of Life!

Booliiska Myanmaar oo rasaas ku laayay dad  dibad-baxayaal ah

Addis Ababa,Mar 01, 2021 (Yekatit 22,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Booliiska dalka Myanmar ayaa rasaas ku furay dibadbaxayaal halkaasi oo ay ugu yaraan 18 qof ku dhinteen, waxaa sidaasi shaaciyay xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey.

Xafiska ayaa ku tilmaamay in maanta ay ahayd maalinkii ugu dhimasada badnaa tan iyo intii ay bilaabmeen dibadbaxyada looga soo horjeedo afgembigii militari ee dalkaasi ka dhacay.

Waxaa sidoo kale dhimasho laga soo sheegay dhowr magaalo oo ay ka mid yihiin Yangon, Dawei iyo Mandalay, halkaai oo ay booliiska isticmaaleen rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.

Ciidamada ammaanka ayaa shalay bilaabay howgal khasaaro geystay ka dib muddo toddobaadyo ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo nabadeed oo looga soo horjeedo afgembigii 1 February ay xukunka kula wareegeen militariga.

Dhanka kale Qaramada Midoobey ayaa cambaareysay in dibadbax nabadeed awood xad dhaaf ah ay booliiska u adeegsadaan ka dib dilka 18 qof.

Xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres, ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay dhacdadasi.

Dadka falanqeeya arrimaha dalkaasi ayaa sheegaya in ay jirto halis ah in ay rabshadaha sii kordhaan maadaama dibadbaxayaasha iyo militarigaba aysan muuqan in go’aankooda ay ka laabanayaan.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.