Fana: At a Speed of Life!

Booliiska Federaalka oo gacanta kusoo dhigay 71 qof oo maleegayay in ay weerarro argagixiso oo qorshaysan ka fuliyaan Magaalada Addis Ababa

Addis Ababa,May 11, 2021 (Ginbot 03,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Booliiska federaalka oo kaashanaya Ciidamada Wadajirka ah ee Nabadda iyo Amniga ayaa gacanta kusoo dhigay 71 qof oo lala xidhiidhinayo weeraro argagixiso oo la qorsheynayay in lagu qaado magaaladan Addis Ababa iyo magaalooyin kale oo dalka ahba.

Warmurtiyeed hay’adda warbaahinta FBC kasoo gaadhay, gudiga wadajirka ah ee loo xilsaaray Nabada iyo Amniga ayaa cadeeyay in cadeymaha ay muujinayaan in tuhmaneyaasha ay gacan-saar la leeyihiin kooxo dibada ah, oo ay ka helaan kaalmo dhaqaale iyo saadba.

Ciidamada Wadajirka ah ee Nabadda iyo Amniga ayaa sheegay, tuhmanayaashu ay ka tirsanyihiin kooxaha TPLF iyo Onag-Shene oo dhawaan baarlamaanku u aqoonsaday ururro argagixiso.

Lacag aad u tiro badan oo lagu soo wareejinayay shaqsiyaadkan lagu eedeeyay falalka argagixiso ayay garoonka diyaaradaha ee Bole ku qabteen ciidamada isku dhafka ah ee amniga, sida lagu caddeeyay bayaanka.

Bayaanka ayaa waxa lagu sheegay  in ciidamada isku dhafka ah ee amnigu ay gacanta ku dhigeen qadar lacageed oo dhan 305,000 oo Doolarka Maraykanka ah (USD) iyo in ka badan 2 Million Birr ,oo loola dan lahaa in lagu filiyo weerarro argagixiso oo qorshaysan.

Tiraba dhowr iskuday weeeraro argagixiso ayaa ilaa hadda ay fashiliyeen ciidamada isku dhafka ah ee amnigu ,iyadoo lala kaashanayo bulshada.ayaa lagu yidhi warmurtiyedka.

Ciidamada isku dhafka ah ee amniga waxa kale oo ay sheegeen in baadhitaano dheeraad ah la wado si loo daba galo dadka iyo ururada ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ee la sheegay inay kooxaha argagixisada ka taageeraan dhaqaalaha iyo logistikaba.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.