Fana: At a Speed of Life!

Ciidamada cirka oo duqaymo la beegsaday xarun tababar oo ku taalla magaalada Adi Hageray

Addis Ababa,NOV 03,2021 (Diqimti 24,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ciidamada Cirka ee Itoobiya, ayaa duqeymihii ugu dambeeyay waxa ay la beegsadeen xarun ciidan oo ay kooxda argagixisada TPLF ku tababarto xooggageeda ,goobtaas oo lagu magacaabo Adi Bukray una dhaw magaalada Adi Hageray ee deegaanka Tigray.

Waxaana xaruntaas ay kooxda argagixsada ahi si sharci-darro ah ugu qoranaysay islamarkaana tabarro ciidan ku siinaysay tiro badan oo ay soo abaabushay argagixisadu.

Ciidanka Cirka ayaa ilaa hadda burburiyay kaydkii hubka, xarumaha lagu tababaro ciidamada iyo warshado ay u adeegsan jireen samaynta dirayska been abuurka ah ee kooxda budhcadda ah  iyadoo ay  halkeedii  kasii socdaan duqaymaha dhanka circa ah ee dhanka  argagixisada TPLF.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.