Fana: At a Speed of Life!

Ciidamada Difaaca Qaranka oo duqayn ku burburiyay qeybtii labaad ee Warshadda mihnada farsamada ee Mesfin ee magaalada Maqalle

Addis Ababa,Oct 28,2021 (Diqimti 18,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Xafiiska warfaafinta dowladda ayaa ku dhawaaqay in duqeyntii maalinimadan Khamiista ah oo ay fuliyeen Ciidamada Difaaca Qaranku lagu burburiyay qeybtii labaad ee Warshadda mihnada farsamada ee Mesfin ee magaalada Maqalle.Xaruntan la baabi’iyay ayay kooxda argagixisada ah ee TPLF u adeegsanaysay dayactirka agabka ciidamada.

Warbixinta ayaa intaa ku daraysa in ciidamada isku dhafka ah ee ciidanka qaranka, kuwa gaarka ah ee Axmaarada, Maleeshiyada Axmaarada iyo Fano ay qaadeen weerar xooggan oo rogaal celis ah ayna kaga tallaabo qaadeen islamarkaana ku sifeyeen askar badan oo ka tirsan jabhadaasi, ayna jirto dhaawacyo iyo maxaabiis badan oo gacanta lagaga dhigay TPLF.

Dhawr gobood ka mid ah xarumaha tabobarka iyo fadhiisimada argagixisada ayaa horay loogu burburiyay duqeymo isxigay oo lala beegsaday bartilmaaameedyadaasi.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.