Fana: At a Speed of Life!

Ciidamada difaaca qaranka oo tallaabo ka qaaday 42 nabad-diid oo xasillooni darro ka abuurayay gobolka metekel ee deegaanka Benishangul Gumuz

Addis Ababa,Dec 24, 2020 (Tehsas 15,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ciidammada difaaca qaranka ayaa sifeeyay 42 nabad diid oo xasillooni darro ka abuurayay gobolka metekel ee deegaanka Benishangul Gumuz.

Nabad diidka ayaa shalay dad rayid ah oo aan waxba galabsan ku dilay degmada Bulen iyo qablaha Bekuji oo ka tirsan zoonka Metekel.

Ciidanka difaaca ayaa sidoo kale qabtay  waxooga hub ah oo ay ku jireen leeb iyo qaanso, sida laga soo xigtay xafiiska xidhiidhka isgaadhsiinta ee deegaankaas.

Raiisel wasaare Abiy Ahmed ayaa saaka ku dhawaaqay in ciidamada qaaranka loo diro gobolkaas si wax looga qabto shaqaaqooyinka soo noq-noqday ee taagaan gobolkaasi.

Dhanka kale,waxa la xidhay shan masuul lala xidhiidhinayo in ay ka dambeeyaan xasuuqa ka dhacay gobolkaas,wxaana kamid shaqsiyaadka gacanta lagu soo dhigay.

1.Tomas Kuwi- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

2. Adigo Amsaya -Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee maamulka dawlad deegaanka Benishangul Gumuz.

3. Shiferaw Cheliso- Agaasimihii hore ee Wakaaladda Sayniska iyo Teknolojiyada ee dawlad deegaanka Benishangul Gumuz

4.Banding Mara- Madaxii Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Metekel

5. Arega Balbid- Hogaankii hore ee gobolka Metekel.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.