Fana: At a Speed of Life!

Ciidamada Mareykanka oo si Rasmi ah u Bilaabay kabixitaanka Afghanistan

Addis Ababa,May 01, 2021 (Miyasiya 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wajiga ugu danbeeya ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee dalka Afghanistan ayaa si rasmi ah u billaabmaya Sabtida maanta ah, tallaabadan oo billow u ah dhammaadka dagaalkii ugu waqtiga dheeraa ee uu Mareykanka galo, ka dib muddo 20 sano ah oo ay ciidamadiisu dagaal ka wadeen dalkaasi dhaca Koofurta Asia.

Madaxweyne Joe Biden ayaa horay u sheegay in 1-da bisha May oo maanta ku beegan ay tahay maalinta uu sida rasmiga ah u bilaabanayo soo guryo celinta ilaa 3,500 oo askari oo Mareykan ah iyo ka bixista 7,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada isbaheysiga NATO oo iyaguna qeyb ka ahaa duulaankii Mareykanka uu sannadki 2001-di ku qaaday Afghanistan.

Saraakiisha millatariga Mareykanka ayaa sheegay in toddobaadyadii ugu danbeeyay ay xirayeen saldhigyada yar yar ee uu Mareykanka ku lahaa Afghanistan. Waxa kaloo ay sheegeen in ka hor Sabtida maanta ah ay Afghanistan ka baxeen ilaa 60 askari.

Hadafka ayaa ah in askariga ugu danbeeya ee ciidanka Mareykanka uu ka baxo Afghanistan xagaaga foodda nagu soo hayo.

Ciidamada ammaanka ee Afghanistan ayaa sabtidii heegan buuxa la geliyay si loo baajiyo weerar kasta oo ay suuragal ah in lala beegsado ciidamada Mareykanka ee dalkaasi ka baxaya.

“Mareykanku wuxuu si rasmi ah 1-da May u bilaabayaa ka bixitaankooda Afghanistan, waxaana laga yaabaa in Taliban ay sii kordhiso rabshadaha,” ayuu sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha Hayatullah Hayat u sheegay taliyayaasha sare ee booliska, sida laga soo xigtay cajalad maqal ah oo la siiyay wariyeyaasha.

La-taliyaha Golaha Amniga Qaranka Afghanistan Hamdullah Mohib ayaa sheegay in Taliban “laga yaabo in ay dagaal doortaan” iyagoo isku dayaya in ay awoodda adeegsadaan ka dib marka ay ciidamada Mareykanka si buuxda u baxaan, laakiin ciidamada amniga ayaa diyaar u ah inay wajahaan kuwa kacdoonka wada, ayuu yidhi.

Mareykanka iyo xulafadiisa NATO ayaa 7-dii October sanadkii 2001-dii weeraray dalka Afghanistan, si ay u ugaarsadaan ururka al-Qaida oo ka danbeeyay weerarkii Mareykanka lagu qaaday 11-kii September ee sannadkii 2001-dii.

Muddo 20 sano ah ka dib, dagaalkaasi waxaa Mareykanka uga dhintay in ka badan 2,000 oo askari, waxaa sidoo kale uga baxday lacag ka badan 2 tiriliyan oo dollar.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.