Fana: At a Speed of Life!

Ciidanka difaaca qaranka oo duqaymo ka fuliyay fadhiisimo ay ku sugnayeeen xoogaga kooxda argagixisada ah ee TPLF

Addis Ababa,Oct 25,2021 (Diqimti 15,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa shalay duqaymo dhanka cirka ka fuliyey bartilmaameed ay kooxda argixisada ah ee TPLF ku farsamayso islamarkaana ah xero tababar oo ku taalla magaalada Adwa.

Duqayntan dhanka cirka ah ayaa lagu burburiyay goobtii ay kooxda argagixisada ah ee TPLF ku farsameynaysay agab been abuur ah milateriga Itoobiya loo eekaysiinayay iyo dirayska ay adeegsadaan xoogagoodu.

Sida ay ku warramayso waaxda adeega warbaahinta Dowladdu, weerarada bartilmaameedka ah ayaa waxa lagu bartilmaameedsaday fadhiisimo lagu farsameeyo agabka ahaydna xarun tababar .

Dhanka galbeed ee magaalada Mai Tsebri oo xarun tababar iyo fadhiisin ciidan u ahayd  kooxda argagaxisada ah ee TPLF ayaa sidoo kale bartilmaameed dhanka cirka ah hore loogu fuliyay sida werisay waaxda adeegga warbaahinta Dowladdu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.