Fana: At a Speed of Life!

Ciraaq oo u kala dab qaadaysa Sucuudiga iyo Iran

Addis Ababa,Aug 25,2021 (Nehase 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ciraaq ayaa ku casuuntay Iran iyo dalalka Khaliijka Carabta oo ay Tehran kala dhexeyso xurgufta siyaasadeed shir madaxeedka ka dhacaya magaalada Baqdaad, iyadoo ujeedadu tahay qaboojinta xiisadaha soo dhaweeyey colaad furan sanadihii la soo dhaafay.

Saraakiisha Ciraaq ayaa sheegay in kulankan sidoo kale looga hadli doono dagaalka Yemen, burburka Lubnaan iyo xiisadda biyaha ee gobolka, isla markaana shirkan uu sahli karo tallaabo dhinaca isu soo dhawaashaha Sacuudiga iyo Iran.

Xiisadaha u dhexeeya muddada dheer Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa sii xumaaday kadib weerarkii 2019 ee lagu qaaday warshadaha saliidda ee Sucuudiga kaas oo muddo kooban kala jaray wax soo saarka saliidda Sucuudiga.

Riyadh ayaa ku eedeysay Iran inay ka dambeysay weerarkan, laakiin eedeynta Tehran ayaa beenisay.

Labada dal ayaa la kala safan xoogagga iska soo horjeeda ee dagaalka Yemen, waxaana xiriirkoodu sii xumaaday sannadkii 2016, inkasta oo ay dib u billaabeen wadahadalladii tooska ahaa, kuwaas oo bishii April ee sanadkan ka dhacay dalka Ciraaq.

Sacuudi Carabiya, oo ka walaacsan in maamulka Biden uu soo nooleeyo wadahadaladii nukliyeerka oo horseedi karta in la fududeeyo cunaqabateynta saaran Tehran, ayaa u aragta ka qeybgalka kulankan inay tahay hab lagu xakameyn karo xiisadaha iyada oo aan laga tagin walwalkeeda dhanka amniga ee weerarada ay ku eedeyso Iran iyo xulafadeeda.

Saraakiisha Ciraaq waxay rajaynayaan in Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi uu ka soo qeybgalo kulankan, oo dhacaya Sabtida, waxayna filayaan in wasiiro ka socda Wadamada Khaliijka oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay iyaguna imaan doonaan.

Illaa iyo hadda Kuwait ayaa ah dowladda keliya ee Khaliijka ee xaqiijisay ka qaybgalka shirkan, iyada oo u direysa Ra’iisul Wasaaraheeda.

Masar iyo Urdun oo labaduba xulufo la ah boqortooyooyinka Khaliijka Carabta, ayaa lagu casuumay kulanka Baqdaad oo sidoo kale ay imaanayaan madaxweynaha Turkiga iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay doonayso inay aragto “falal la xaqiijin karo” oo ka imanaya Iran.

Horraantii bishaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faysal bin Farxaan Al Sacuud ayaa sheegay in si ‘dhiirran” Iran ay si xun ugu dhaqmeyso arrimaha Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan Yemen iyo Lubnaan iyo biyaha gobolka.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.