Fana: At a Speed of Life!

Dadku dhintay weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay Shiinaha

Addis Ababa,Dec 28, 2020 (Tehsas 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ugu yaraan toddoba qof ayaa dhintay kaddib markii nin toorrey ku hubeysan uu weerar ka geystay waqooyi-bari Shiinaha, sida ay warbaahintu sheegtay.

Toddoba qof oo kale ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen weerarkaas oo ka dhacay Kaiyuan, oo ah magaalo yar oo ku taalla gobolka Liaoning.

Booliiska ayaa xidhay qof weerarkaas looga shakisan yahay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua, inkastoo aan la ogeyn ujeeddada ka dambeysa weerarkaas.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay arkayeen nin dadka toorrey la dhacaya.

Dembiyada rabshadaha wata ayaa si dhif ah uga dhaca shiinaha, balse waxaa dalkaas sanadihii la soo dhaafay ka dhacay weerarro toorrey loo adeegsaday oo aan kan la xidhiidhin.

Waxaa inta badan weerarradaas geysta dad dhimirka ka xanuunsan, amaba doonaya inay ka aargoostaan saraakiil iyo shakhsiyaad ay yaqaannaan.

Ninka laga shakisan yahay ayaa isagoo ku sugan Kaiyuan wuxuu bilaabay inuu weeraro dadka, sida laga soo xigtay wargeyska Hong Kong’s South China Morning Post (SCMP).

Booliiska ayaa sheegay in hal sarkaal uu dhaawacmay xilli uu ka hortagayay eedeysanaha. Wax faahfaahin dheeraad ah lagama hayo khasaaraha kale ee weerarka ka dhashay.

Goobjooge ayaa SCMP u sheegay in weerarka uu ka bilowday bannaanka iskuul, isla markaana inta badan dadka la beegsaday ay ahaayeen dad da` dhexe ku jira ama haween da` ah.

“Nasiib wanaag iskuulku fasax buu ahaa maanta. Haddii kale dhibbanayaashu intan way ka badan lahaayeen,” ayay tiri haweeneyda goobjoogga ka ahayd weerarka oo magaceeda ugu dambeeya ku sheegtay Liu.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.