Fana: At a Speed of Life!

dadweynaha Itoobiya oo dhigay isu-soo-bax ay ku cambaareynayaan xadgudubyada ay dowladda Sucuudigu ku hayso muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee ku sugan dalkeeda

Addis Ababa,Aug 23,2021 (Nehase 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kumanaan dadweyne Itoobiyaan ah ayaa isugu soo baxay agagaarka Safaaradda Sacuudi Carabiya ee magaaladan Addis Ababa, si ay u cambaareeyaan xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ay dowladda Sacuudigu kula kacday dadka  Itoobiyaanka  ee aan haysan sharciga ,kuwaas oo ku kala sugan magaalooyinka Riyaad, Jiddah, Jizan iyo meelo kale.

Isu -soo -baxan oo hal -ku -dheg looga dhigay “Waxaan cod u ahay(u hadlayaa) muwaadiniinta”, waaxaana dadweynahani  isugu jireen  qaybaha  kala duwan ee bulshada.

Banaanbaxayaasha ayaa ugu baaqay dowladda Sacuudiga inay joojiso falalka arxan darrada ah ee ka dhanka ah muwaadiniinta Itoobiyaanka ah oo ay ka mid yihiin xadhig aan loo meel dayin, xabsi, maxkamadayn aan caddaalad ahayn, jidhdil iyo dhaqammo kale oo gurracan.

Waxa ay kale oo  ay dawladda  Sucuudiga ugu baaqeen inay si degdeg ah xabsiyada looga si daayo dadka itoobiyaanka ah ee ku xidhan jeelasheeda  .

Sida ay sheeegtay wasaarrada arrimaha dibedda  ee dalkan Itoobiya ,Sucuudiga waxa ku sugan ku dhawaad ​​80,000 oo Itoobiyaan ah oo lagula kacay xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay geystaan ​​mas’uuliyiinta dowladda Sucuudigu.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.