Fana: At a Speed of Life!

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Addis Ababa oo taageero u muujiyay ciidamada difaaca qaranka Itoobiya

Addis Ababa,July 22, 2021 (Hamle 15,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dadweynaha ku nool magaaladan Adddis  ayaa bannaan-bax  ballaadhan oo ay dhigeen saaka waxa ay ku muujiyeen sida hiilka iyo hoodaba ula garab taaganyihiin ciidamada difaaca qaranka,si ay burbiriyaan kooxda argagixisada ah ee TPLF.

Dadweyne aad u tiro badnaa oo saaka isugu soo baxay fagaaraha Miskel,ayaa waxa sheegeen in ay taageerayaan ciidamada difaaca qaranka.

Duqa magaaladan Addis Ababa oo dadweynaha kala hadashay fagaaraha Miskelayaa ayaa tidhi”cadawgeenna gudaha iyo ka dibadduba waxa ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii loo carqaladeyn lahaa geeddi-socodkeenna isbedelka iyo geediga barwaaqada.

Innaga oo kaashaneyna dadkeenna, waxaan ka guuleysan doonnaa cadowyadan ku dadaalaya in ay wiiqaan qaranimadeenna, wiiqaan midnimadeenna isla markaana hor istaagaan hayaankeenna barwaaqada,” ayay sii raacisay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.