Fana: At a Speed of Life!

Dagaallo culus oo ka dhacay magaalada Beled Xaawo ee dalka Soomaaliya

Addis Ababa,Jan 25, 2021 (Dir 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wararka ka imanaya magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi ay xalay iyo saaka ka dheceen dagaallo culus.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Beled Xaawo soo weerareen “jabhad fallaago” ah oo ay soo hubaysay dawladda Kenya.

Dawladda kenya ayaan markiiba ka jawaabin hadalka dawladda, hase yeeshee waxay dawladda Kenya horey u beenisay inay faragelin ku hayso Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dhinaca maamulka Jubaland ayaa iyaguna dhinacooda sheegay inay ciidanka daraawiishta Jubaland lasoo weeraray, dagaalkiina uu sidaas ku qarxay kadibna ay ciidankii isla galeen magaalada Beled Xaawo.

Dagaalka ayaa saacadihii hore ee saaka si xooggan uga socday magaalada, waxaana uu sababay khasaare nafeed oo ay ku jiraan dad ka wada tirsan qoys oo ku dhintay weerarkaas, sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dalwadda Soomaaliya ayaa goor dhowayd u sheegay warbaahinta inay ciidanka dawladdu jebiyeen “jabhaddii fallaagada” ee soo weerartay.

Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxa uu sheegay in maxaabiis badan lagu qabtay dagaalka, islamarkaana ciidanka dawladdda ay gacanta ku hayaan magaalada Beled Xaawo.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.