Fana: At a Speed of Life!

Dalalka Hindiya iyo Pakistaan oo gaadhay heshiish xabad joojineed

Addis Ababa,Feb 25, 2021 (Yekatit 18,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Milateriyada dalalka Pakistan iyo Hindiya ayaa ku heshiiyay inay si adag u dhaqangeliyaan xabad joojin ka hirgasha  xadka lama dhaafaanka (LOC) ee u dhexeeya labada dal, ee gobolka ay ku muransan yihiin ee Kashmir.

Agaasimayaasha guud ee howlgallada militariyada Hindiya iyo Pakistaan ​​ayaa kuwada xidhiidhay khadka taleefanka subaxnimadan Khamiista ah sida lagu sheegay bayaan kasoo militariga Pakistan.

“Labada dhinacba waxay ku heshiiyeen in si adag loo ilaaliyo dhammaan heshiisyada isfaham iyo xabad-joobinta ee ” xariiqa lama dhaafaaanka ah “iyo dhamaan qeybaha kale, laga bilaabo saqda dhexe (habenka Jimcaha)” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in wadahadalladu ay u dhaceen si ay ka muuuqato “jawi isfahan iyo niyad wanaag”

Labada dal ee ku hubaysan hubka sida ba’an wax u baabiiya ee nukliyeerka ayaa uu iskahor-imaad dhex maray saddex jeer ,taas laba ka mid ah ay ku dagaalameen gobolka Kashmir halka ka kalena uu ahaa markii xorriyada Paskistan  dib ugala soo noqotay Hindiya sannadkii 1947-dii.

Waxa kale  oo jiray isku dhacyo joogto ah u dhaxeeyay labdan dal tan markii ay laba dal kala noqdeen,kuwaas oo isku-dhacyada ugu badanina ay ka taagnaayeen gobolka mulkigiisa lagu muransanyahay ee Kashmir.

Labda dal ayaa heshiish xabad joojineed gaadhay 1-dii January sannadkii 2003-dii balse labada dhinac ayaa ku xadgudbay ,iyada oo dalba ka kale ku eedaynaya in uu isagu xabad joojinta jebiyay.

Pakistan ayaa sheegtay in tan iyo 1-dii January sannadkan ,2021 ay Hindiya ciidamadeedu ku xadgudbeen xabad joojinta tiraba  175 jeer, ayna ku dhaawaceen sideed qof oo rayid ah.

Hindiya ayaa iyadanuna dhankeeda sheegtay in sannadkii la soo dhaafay 2020 ay Pakistan ugu yaraan heshiishka xabad-joojinta ka baxday 5,133 jeer,ayna ku dhinteen 22 qof oo rayid ah ,24 askari iyo 197 qof dhaawacyo kala duwani kaso gaadheen.

Heshiiskan xabad joojineed ee ay gaadheen  labada dal ee Hindiya iyo Paksitan ayaa haddii uu dhaqan galo ,waxa ay dhabaha u xaadhaysaa in deriskani ay kuwada noolaadan nabad iyo is ixtiraam.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.