Fana: At a Speed of Life!

Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya oo kawada xaajooday arrimo khuseeya labada dal iyo gobolkaba

Addis Ababa,Jan 29, 2021 (Dir 21,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee dalkan Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaq.

Intii ay u socdeen wadaxaajoodyada ,labada dhinac waxa ay Isla soo qaadeen arrimo khuseeya xidhiidhka laba-geesoodka ee labada dal iyo gobolkaba.

Demeke ayaa dhiggiisa Somaliya uga warbixiyay xaaladda ka jirta Itoobiya,ta gobolka, oo ay kamid tahay u diyaar garowga qabashada doorashada guud ee soo socota ee lagu wado in ay Waddanka ka qabsoonto.

Demeke oo bogaadinayay xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ee deriska ah ayaa sidoo kale balan qaaday in itoobiya ay ku dadaali doonto intii karaankeeda ah sidii xidhiidhka labada dal loo gaadhsiin lahaa heer aad u sarreeya Wasiir Maxamed C / risaaq, ayaa dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay doorka muhiimka ah ee Itoobiya ay ka qaadatay xasilinta Soomaaliya.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay wadahadallo kula jirtaa dowlad-gobolleedyada ,kuwaas oo daarran doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, ayuu raaciyay.

Wasiirku Wuxuu Xusay mowqifkii dowladiisa ee fahmida howlgalka sharci fulinta ee laga fuliyay Deegaanka Tigray ,in ay ahayd arrin khusaysay arrimaha gudaha ah ee Itoobiya, wuxuuna cadeeyey in Soomaaliya ay ka go’antahay dadaallada wadajirka ah ee labada dal ee dhismaha iyo ilaalinta nabada gobolka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.