Fana: At a Speed of Life!

Dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay soo celinta xidhoodhkoodii dublamaasiyadeed

Addis Ababa,June 17, 2021 (Senee 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdirizaq iyo Raychelle Omamo ayaa ka wadahadlay soo celinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal, kaddib xidhiidh khadka telefoonka ah oo dhexmaray labada wasiir, kaas oo ahaa mid ‘diirran oo wanaagsan’ sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay labada wasaaradood.

“Labada wasiir waxay mar kale si rasmi ah u caddeeyeen baahida loo qabo in si deg deg ah dib loogu furo safaaradaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ee magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, waxayna adkeeyeen muhiimada ay leedahay in xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal uu caadi ku soo noqdo” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saareen labada wasaaradood.

Warsaxaafadedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasiirradu ay muujiyeen rajo weyn oo ah hagaajinta xidhiidhka ganacsiga, iyo amniga ee Soomaliya iyo Kenya.

Bayaanka labada dal laguma qeyxin in waxyaabaha ay ka heshiiyeen uu ka midyahay soo celinta gacansiga Jaadka, kaas oo ka mid ahaa waxyaabaha ugu waaweyn ee xumeeyay xidhiidhka labada dal.

Wadahadal u billowda labada dal ayaa ku soo aadaya xilli todobaadkan ay dib u billowdeen duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhexeeyay Somalia Kenya oo hakad galay bishii hore.

VOA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.