Fana: At a Speed of Life!

Dalka koonfur Afrrika oo uu ka dillaacay nooca cusub ee fayraska koroona

Addis Ababa,Dec 28, 2020 (Tehsas 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dalka koonfur Afrrika ayaa waxa sii korodhay tirada dadka uu asiibay cudurka Covid-19,sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya dalkaas,kiisaska fayraska koroona ayaa kor u dhaafay hal milyan.

waxaana ay warbixintu sheegtay  in markii la xaqiijiyay in nooca cusub feyraska koroona uu ka dillaacay dalkaas ay tirada dadkii uu ku dhacay cudurku ay gaadhay Hal Milyan Afar kun iyo Afar boqol (1,004400 oo qof ,waxaana u geeriyoday 26kun iyo 7 Boqol oo qof.

Guud ahaan caalamka tirada dadka uu haleelay feyraska koroona  ayaa hadda gaadhay 81 milyan 4 kun iyo 4 Boqol.,halka ay u dhinteen 1,773,461 islamarkaana ay ka bogsadeen 57,358,040 ruux.

Fayrsaka ayaa ilaa hadda fara baas ku haya caalamka ,iyada oo walaac xooggan laga muujiyay nooca feyraska koroona cusub ee kuso laba kacleeyay dalka Ingiriiska ,taas oo keentay in dalkaasi ay waddamo badani xayiraad dheeraad ah kuso rogaan si looga gaashaanto aafada fayraska ee sida xawliga ah u faafaya.

Dhanka Qaarada Afrika waxa fayraska cusub ee koroona laga xaqiijiyay dalka koonfur Afrika oo ahayd markii hore xuduntii faafitaanka feyrska ee qaarada Afrika maadaama kala badh laga diiwaangeliay kiisaska feyraska ee guud ahaan qaaradda Afrika.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.