Fana: At a Speed of Life!

Dalkan Itoobiya ayaa laga hirgeliyay Laba Aaladood ,oo lagu Ogaanayo qofka qaba Xanuunka Covid-19.

Addis Ababa, MAY 30, 2020 (FBC/SOMALI)-Dalkan ,Itoobiya ayaa maanta soo saaray, laba Aaladood (application) oo ah kuwo lagaga hortagayo xanuunka saf-mareenka ah ee covid-19.
Labada aaladood ayaa ah kuwa loogu talo galay in ay dadku kusoo dejistaan iyaga oo isticmaalaya Mobile ladooda, islamarkaana waxa ay dadka ka caawinayaan ogaysiinta xanuunka faafaha daran ee dalka ku baahay.
Labada aaladood(application) waxa maanta soo bandhigay Wasaaradda Caafimaadka oo kaashanaysa ,Mac-hadka fayo dhawrka caafimaadka ee dalkan Itoobiya.
Aalada kowaad waxa loogu talo galay in ay qofka ogaysiiso ,ugana digto ,haddii uu xidhiidh la sameeyo qof ama dad qaba xanuunka.
Aaladda labaad na waxa faa’ido weyn ay ugu jirtaa,oo lagu qalabaynayaa kal-kaaliyayaasha Caafimaadka ,si ay ula wadaagto macluumaad dhanka lebiska ku saabsan, kaas oo xubnaha shaqaalaha Caafimaadka ee xidhiidhka la samaynaya dadka Qaba caabuqa Covid-19, in ay bukaankiiba u isticmaaleen hal qalab.
Kasoo Dejiso Aaladahan cinwaanada hoose
(Debbo and COVID 19 Ethiopia) Google play ga ama booqo website kan (https://www.ephi.gov.et/

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.